Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaaya in xalay weerar lagu qaaday maqaayad ku taalla Xaafadda Garsoor ay ku dhaawacmeen afar ruux,kadib markii Rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad ku caweynayay meherad shaah laga cabo, duqa magaalada Gaalkacyo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qof ka agdhowaa goobta uu rasaas ka daba riday kooxdii dableyda oo la baacsaday balse ay u gudbeen sida uu yirio dhinaca uu ka taliyo maamlka Galmudug ee magalaada Gaalkacyo.
Col. Axmed Cali Salaad ayaa intaas ku daray in ay la xiriireen waxyar kadib maamulka Galmudug ayna ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ragga hubeysan oo ugu yaraan mid kamid ah loo xaqiijiyey in la qabtay oo ay qabteen ciidamada galmudug
Afarta qof ee dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalada magalaada gaalkacyo , waxaana la sheegayaa in mid kamid ah uu soo gaaray dhaawac culus halka kuwa kale ay qabaan dhaawacyo fudud, lama oga ujeedada kooxda weerarka geysatay iyo sababta kadambeysa ,waxaana goobta gaaray ciidamao katirsan kuwa maamulka puntland kuwaas oo halkaasi ka sameeyey baaritaano la xiriira qaabka uu u dhacay weerarkaasi oo ilaa hadda la garan layahay waxa sababay.
Idale news Online, Galkacyo.