Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kulan kula qaatay Hotelka ay ka deganyihiin Magaalada Muqdisho ee Dayax Mas’uuliyiin ka socotey Barre Hiiraale .
Wafdi uu Hogaaminayo Cabdi Shire Warsame ayaa kulan la qaatay Madaxda Koonfur Galbeed ayagoona ka wada hadlay sidii iskaashi u dhexmari lahaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Garabka Barre Hiiraale oo Dagaal ba’an kula jira Maamulka Axmed Madoobe .
Maanta ayey aheyd Markii Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed C/kaliil iyo saraakiil la socotey ay gaareen Magalada Baydhabo ayagoona kulan Albaabada u xeran la qaatey Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed C/fataax Geesey.
Idale News Online, Muqdisho.