Abaanduulihii Hore Ee AMISOM Oo Saaka Xilka Ku Wareejiyay General Kasoo Jeeda Dalka Kenya

0
204

Muqdisho(INO)-Saaka magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen saraakiisha ugu sareysa ee AMISOM, Abaanduulihii hore ee ciidanka Amisom ayaa saaka xilka kuwareejiyay Abaanduula cusub oo kasoo jeedda dalka Kenya.

AMSIOM-Force-commander-handover

Silas Ntigurirwa oo ahaa Abaanduulihii AMISOM ayaa saaka xilkii uu hayay si rasmi ah ugu wareejiyay General Jonathan Kipkemoi Rono oo ah nin u dhashay dalka Kenya.

Xafladdan ay xilalka kula kala wareegayeen labadan General ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha ugu sareysa ee AMISOM, saraakiisha xafladdan hadalada kasoo jeediyay ayaa sheegay in Silas Ntigurirwa  uu wax weyn kasoo qabtay duulaanka ay AMISOM ee dhulka Soomaaliya.

Mashruuc siyaasadeed oo Afrikaanta u noqday shaqa abuuris ayaa kasocda dalka Soomaaliya, kaas oo saraakiisha AMISOM ay ku helaan dhaqaalo aan inta ay Militeriga ku soo jireen waligooda soo marin, halka ay ciidanka dowladda Soomaaliya aysan helin dhaqaalo ku filan nolashooda.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here