Wararka aan ka heleyno magaalo Madaxda gobolka Jubbada Hoose eee Kismaayo waxay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi laguxabinay Abaanduulaha ciidamada xooga Dalka General C/risaaq Khaliif Cilmi .
Generalka ayaa la sheegay inuu doonaya inuu u gudbo gudaha magalada Kismaayo balse waxaa lasoo warinayaa inay ciidamada amaanka Maamulka Jubba ay u diideen inuu u gudbo inkastoo sababta aan wali shaacin.
Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Jubba uu amar buuxa ku bixiyay in aanu garoonka kasoo bixin abaanduulaha, islamarkaana uu meeshiisa ku laabto.
Maamulka Jubba ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka , Waasiirka Gashandhigga Somaliya, Talaiyaha ciidamada Xooga iyo xubno kale waxay ku eedeynayaan inay abaabuleen Dagaalkii Kismaayo ka dhacay.
Arintan wali kama aysan hadlin Maamulka Martida loo yahay ee Jubba ee la sheegay inay abaandulaha gudaha magaalada u diiden inuu u gudbo.
Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda dowlada Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin , waxaana la sheegay in General C/risaaq wali uu ku sugan yahay Garoonka diyaarada Kismaayo oo Duleedka ka ah magaalada
Idale News Online