Faroole”Jubbaland wax walbo ayaan ku taageeri doonaa,dowlada Soomaaliyana caalamka ayaan ku dacweyney,tilaabo ayay Putland qaadi doontaa” Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu qabtay kulan baraalan oo lagu soo dhaweynayay madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/Raxmaan Shiikh Maxamed Faroole isla markaana dhanka kale lagu taageerayay maamulka Jubbaland ee madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Axmed Madoobe ee Kenya ayaa waxaa Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland C/Raxmaan Shiikh Maxamed Faroole. Dr Faroole ayaa sheegay inuu si weyn utaageersan yahay maamulka Jubbaland waxaana uu tilmaamay inay soo dhaweynayaan maamulada kale ee Soomaaliya laga dhisi doono waxaase uu aad ugu celceliyay in wax walbo oo ay awoodaan ay uhiri-doonaan maamulka uu hogaamiyo Axmed madoobe.
.jpg)
“Dhamaan maamul goboleedyada dastuurka ayaa xusaya qaabka loo dhisayo Jubbaland-na sharuucda waa uhogaansantay, marka waa in loogu hambalyeeyaa howsha ay hayaan”. Sidaas Faroole ayaa yiri.
.jpg)
“Arinta dowlada ee Jubbaland kaliya waa inay soo dhaweystaan shacabkooda, aqoonsadaan maamulka ay dhisteen, waxaa wax laga xumaado ah in dowlada ay si gaar ah udiido maamulka Jubbaland”ayuu yiri Dr Faroole.
.jpg)
Waxaa uu sheegay madaxweynaha Putland in Safiirarada wadamada caalamka uu kala hadlay arinta Jubbaland haatana ay ku dhow yihiin in aqoonsi caalami ah la helo sida uu hadlaka uyiri.
Arimaha kale ee uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa doorkii uu maamulkiisa kulahaa ka bixitaanka KMG iyo soo dhisitaanka dowlada haatan jirta, waxaana uu sheegay in Puntland ay lafdhabar u ahayd in Soomaaliya ay kusoo dhacdo saaxada siyaasada ee saxda ah.
Goobta Munaasabada ay ka socotay ayaa waxaa ka muuqday Sawirada Axmed Madoobe iyo kuxigeenkiisa Cabdullahi Fartaag iyadoona dhanka kale ay munaasabada ka hadleen xubno isugu jira odayaal, waxgarad iyo qeybaha kale ee Haweenka.
.jpg)
Madaxweyne faroole ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeyay in isbadal badan ay ku sameysay qaar ka mid ah qodobada dastuurka isagoona qeexay in imaashiyahiisa Nairobi ay ka mid tahay ugudbinta beesha caalamka arimahaasi isagoona ku hanjabay in dowlada aysan ku farxi doonin caqabadaha ka dhalan karaa hadii dastuurka wax laga badalo iyadoo aysan Putland ka warqabin.
Madaxweynaha Putland ayaa si aanan horay looga baran waxaa uu hadalkiisa ugu ceceliyay sida Putland ay utaageersantahay maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland iyadoona uu hadalkiisa u ekaa mid mid uu ku mucaardayay dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Puntland oo labadii maalin ee lasoo dhaafay kusugnaa Nairobi ayaa lafilayaa in maamlamaha soo aadan uu kula kulmi doono madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo haatan ku maqan safar dhinaca dalka Jabaan ah.
Idale News Online Mogadishu