DEG DEG+ Dhageyso: Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba oo Geeriyooday

0
261

Muqdisho(INO)- Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay oo 15-kii Bishii 10-aad ee sanadkaan ku dhaawacmay qarax miino oo lagu xiray meel u dhaw gurigiisa, ayaa la sheegayaa inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe dhaawaca Guddoomiyaha geeriyooday, ayaa waxaa lagu daaweynaayay Isbitaalka Xalane ee ciidamada Amisom, hayeeshe Saraakiisha ciidamada Booliska Buurhakaba ayaa sheegay in la xaqiijiyay geerida Guddoomiyaha.

Laba Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye ku-xigeenka  Ciidamada Booliska Maamulka Degmada Buurhakaba ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed   oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha degmadaas.

 Waxa uu sheegay ehelada marxuumka qaar ka tirsan oo Isbitaalka Xalane ku haayay inay xaqiijiyeen geerida Guddoomiyaha, wuxuuna u dhintay dhaawaca soo gaaray.

Qaraxa miino ee hooygiisa meel ku dhaw lagu xiray Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ka dambeeyay Ururka Al Shabaab oo horay u sheegtay inay iyaga masuul ka ahaayeen dhaawaca Guddoomiyaha geeriyooday.

Ugu dambeyntii, Masuuliyiinta Maamulka Degmada Buurhakaba iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii Buurhakaba.

Halkan Ka DHAGEYSO

dhaawac-1 dhaawac-2