Dhageyso: 473 Qof Oo Magaalada Muqdisho Lagu Xiray

0
251

Muqdisho(INO)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa xalay 4:00 habeenimo waxa ay howlgalo ka bilaabeen Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, howlgalkaasi oo ahaa mid ballaaran.

Teaser Image 473 qof oo Muqdisho lagu Xiray!

Howlgalka ayaa waxaa ciidamada ay ku qab-qabteen dad badan oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo laga dhex-qabtay inta u dhaxeysa Xaafada Sayidka ilaa Isgoyska howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Amisom gaadiidkooda ayaa lagu gooyay wadooyinka xaafadaha shanta geed ilaa Isgoyska howlwadaag, waxaana howlgalka guri galista ah sameynaayay ciidamada Dowladda oo Booliis iyo Nabad Suggida isugu jira.

Halkan Ka Dhageyso.

Haweenay ka mid ah dadka deegaanka ayaa xoghose.com u sheegtay in dhalinyaradii xaafada intooda badan la uruuriyay oo howlgalka lagu qabtay.

“Xaafada wax dhalinyaro ah kuma harin aniga inta aan arkay ayaaba tiro badneyd oo dhalinyaradii xaafada iyo kuwa kale oo aanan aqoonin ayaa baabuur badan lagu aruuriyay.” Ayeey tiri haweenaydaasi.

Dadka la qabtay ayaa la isugu geeyay goob barxad ah oo lagu kala saaraayay waxaana meesha la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya, kuwaasi oo eegaya wajiyada dhalinyarada howlgalka lagu soo qabtay, cidii Shabaab ahaan lagu tuhmana baaris dheeri ah ayaa la marsiinaayay.

Howlgalkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay howlgalada ammaanka lagu xaqiijinaayo ee ciidamada ammaanka ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho, laguna baadi goobo Shabaabka Magaalada ku dhex-dhuumaaleysta.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here