Baydhabo(INO)- Gudiga Hawl wadeenka Magaalada baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maanta waxa Xaflad dhaqaale Aruurinta Nadaafada Degmada Baydhabo lagu qabtey Hotel Bakiin ee magalada Baydhabo.
Munaasabadaas ayaa waxaa soo qaban qaabiyee Gudiga howl wadeenka Magaalada Baydhabo ayaa isla markaana waxa ka soo qeeyb galey Masuuliyin kala duwan Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud ee dowlada koonfur galbeed, wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada Jibriil Aadan Maxamed iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Mudane Cabdullahi Cali Watiin Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdirashiid Cabdulahi Maxamed iyo Hay’adaha ka hawlgala magaalada Garedo, DRC, SADO iyo Shirkadaha Hormuud, Nation-link , Dahabshiil, iyo gollaha Aqoonyahanada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xafladaas ayaa waxaa looga hadlayee sidii loo cawinlahaa gudiga kashaqeya Nadaafada Degmada Baydhabo si ay u sii wadaan howshooda Nadaafaded, Marti sharaftii ka soo qeebgashay ayaa ugu deeqen lacag.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa ugu mahadceliye gudiga Nadaafada iyo qaar kamid ah Hay’adaha ka shaqeeya magaalada baydhabo , Hay’ada SADO ayaa waxaa shaqo abuur u Sameysey Tiro Gaareyso 1,125 oo qof kuwas oo ka shaqeenaya Nadaafada Degmada Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Degmada Baydhabo
Halkan Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gudiga Nadaafadda
Ugu dambeyntii, Bulshada ku nool Degmada Baydhabo in ay la shaqeeyaan gudiga ka shaqeeya nadaafada iyo faydhoorka Degaanka.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Baydhabo