Garoonka Diyaaradaha Nairobi ayaa lagu qabtey Sadex Qof oo turki ah iyagoo wata lacag gaaraysa 350,000 USD oo ay qarinayeen , waxayna kusii jeedeen Magaalada Muqdisho, Sadexda Qof waxay sheegeen iney u shaqeeyaan Laanqayrta Cas ee Turkiga lakiin wax sharaxaada kama aysan bixin sababta ay lacagta intaa le’eg u qarinayeen.
Ciidanka ka hortaga Argagixisada ee Kenya ayaa la wareegey Sadexda qof oo hada su’aalo waydiinaysa, waxaana jira shaki wayn oo laga qabo sadexda qof sababtoo ah lacagta waxaa laga soo saarey meel ay ku qarinayeen, habka ay lacagta u wadeena ma ahan mid ay isticmaalaan shaqaalaha Hay’ada ay u shaqeeyaan oo ah Hay’ad badanaa isticmaasha shirkada Diyaaradaha Turkiga oo Muqdisho toos u tagta.
Wixii soo kordha warkaan kala soco wararkayaga dambe.