Gaalkacyo (INO) Lacag ka badan saddex milyan oo dollarka Marekanka ah ayaa ku baxday illaa hadda musharrixiinta ku guuleystay kuraska Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya,sida ay ogaatay IdaleNews.com
Xubnaha u tartamaya kurasta Aqalka hoose ayaa bixiyay lacagta ugu badneyd abid si ay u noqdaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Faderaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lacagaha la siinaya nabadoonnada soo xulaya musharrixinta ka qayb-galaya doorashada Aqalka hoose iyo xildhibaannada maamul-gobolleedyada ee iyagu wax dooranaya.
Lacagta ugu badan waxaa bixiyay musharrixinta u tartamayay kurasta Aqalka hoose ee Galmudug doorasho wali ka socota magaalada Cadaado,sida aan ka soo xiganay xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka.
“Kaliya waxaan ku sheegi kara lacag hal milyan ah maalin inay bixiyeen dhowr musharrax,”ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga doorashooyinka Galmudug oo marka codsaday inan la shaacin magaciisa.
Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa cododka lakala siistay lacag ku dhow 400,000,waxaana jira musharrixin lacagta bixiyay oo haddana laga guuleystay markii tartamayaasha kale ay bixiyeen lacag ka badan.
Waxaa sura-gali wayday inan wax ka ogaanayo doorashooyinka ka socda Garoowe iyo Kismaayo,haddii ay jirto lacago inta ka badan oo ku baxayay musharrixinta tartamaya.
Horay Soomaaliya ugama dhicin lacago inta la’eg inay bixiyaan musharrixinta doorashada baarlamaanka Aqalka hoose inay ka mid-noqdaan,waxaase la fahansan-yahay xildhibaannada cusub dhaqaalaha ka baxay mid ka badan inay ka heli doonan musharrixinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada dhacaysa dabayaaqada bishan.
Waxaa ay ku soo aadayaan lacagaha badan ee lugu bixinayay ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya,xilli macaluul darran ay ka jiro qaybo badan oo dalka ka mid ah,mana jiro illaa hadda gurmad muuqda oo loo fidiyay deegaannada ay abuurtu ka jirto