Daawo: Jaamacada Upper Jubba ee Magaalada Baydhabo oo kaalin weyn ka qaadatey wacyi gelinta bulshada

0
1053

Baydhabo(INO)-Jaamacadda Jubbadda Sare Oo Ka Mid Ah Jaamacadaha ka  Jira Magaalada Baydhabo isla markaana Sanadkii Hore Lagu furey Magaaladaasi Ayaa Wada Dardar galinta Howlaha Jaamacada iyo Wacigalinta Qaybaha Kala Gedisan Ee  Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Macalimiinta Wax Ka Dhiga Jaamacadda Jubbadda Sare Ayaa U Soo Gebagabeeyey  70 ardey Oo  dhameeysatey Dugsiyada sare  Ee Baydhabo Isla Markaana aan helin fursad shaqo ayaa waxay  Jaamacada jubbada sare  ay siisay tababaro ku saabsan Aqoon kororsi iyo sidii loo abuuran lahaa shaqo.

Tababarkan Oo Ay bixinayeen maclimiinta jaamacada  Jubbada Sare   Oo  si mutadawacnimo ah isla markaanaka Qabanqaabyada howsha siminaarada joogtada ah waxaana Soo  abaabuley  Madaxa Xafiiska Maamulka Jaamacada Jubbada sare  Prof. Idriss Cabdi dhaqtar .

Madaxa Xafiiska Maamulka Jubadda Sare  Proff. Idiris Cabdi Dhakhtar Ayaa Yiri “ Maanta Waxa waaye, malintii ugu dambeysey,  ardeydii Ka Faa’ideystey  ayaan  Tabarkarkan U soo xireynaa, waxay barteen xirfado kala gedisan Sida Xirfadaha Shaqo Sida Xariirka Arimaha Bulshada, Habka Looga  sameeyo Jalaatada “JAAM” Oo loogna Sameeyo Malmalaatada, Mooska,Saytuunka Iyo weliba  Tabaandhada “.

Sidoo  kale Proff. Idiris Cabdi Axmed Dhaqtar, ayaa Sheeg in jaamacadda Jubada Sare ay Bixiso Afar kuliyadood oo kala Ah kuliyada Xananada Xoolaha, Beeraha, Caafimaadka Dadka iyo Weliba kuliyada Waxbarashada Macalimiinta.

Dhanka kale Sacdiyo Xasan Samaan Oo Ka Mid Ahayd Ardeydii  Ka Faa’ideysatey tababarka ayaa ugu mahad celisey macalimiintii  waqtiga badan galiyey waxay tiri” Waxaa maanta Inoo Soo Gebo gaboowey Courese-kii Inoo Soconey mudo 15 casho ah oo inooga socodey Gudaha  jaamacadda Jubadda sare Ee Magaalada Baydhabo  Oo ah  jaamacad Dhawaan Laga Hergaliyey Baydhabo, Waxa Aynu Baraney wax yaabo u Muhiim ah  hadii aynu nahay ardeyda , waxaan ka mid  ah:  Xirfadaha Shaqo, Shaybaarka, Nafaqeyta, Sameynta Jaamka” ayey tiri Sacdiyo Xasan Samaan.

upperJubba

Sidioo Kale Ardayad Kale Oo ayaduna halkaasi ha hadashey isla Markaana ku dheeratey wax yaabihii  la barey  waxay tiri” Horta Masha Allaha , Sida Aad Arkeysid, waxa aynu baraney, waxa ka mid ahaa   Maareynta Xirfahada Shaqo, Maareynta Waqtiga Waareega, Sida Loo diyaariyo Arjiyo, Nafaqeyta, Labka  iyo Wax Yaabo  kale Oo  aad muhiim  u Ah oo Aan Halkan Ku Soo koobi Karin”.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 11

Si Kastaba Ha Ahatee, Xiritaanka Simanaar ayaa waxaa soo gbagabeeyey  Isla markaana ka Hadley Dr.Fowz Abdi Nor oo ah Afhayeenka Aqoonyahanada Koonfur Galbeed Soomaaliya  isagoona gudoonsiiyey ardaydii ku guuleysatey Waxbarashada Aqoon korarsiga Shahaadooyin arday ay ku raadsan karaan Shaqo , ayna u noqan karto Qibrad.

Ugu Dambeyntii,  Magaalada Baydhabo  Waxa ka jira 4 Jaamacadood  oo Ka Sameeyey Aqoon yahno Ka Soo Jeeda Degaanada KG Soomaaliya kuwaasoo aad moodid in ay bilaabeen tartan  ay soo jiidanayaan ardeyda dhigata dugsiyada sare magaaladaasi, kuwaasoo,  Waxbarasho u doonta Qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya iyo weliba Qurbaha.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here