Maryan Gubaay(INO)-Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxigay oo lala eegtay ciidamada dowlada Federaalka khasaara xooggan uu ka dhashay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in laba qarax ay haleeleen goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Dowlada Federaalka, ugu yaraan 7 askari ayaa la xaqiijiyay in la dilay tira kalane dhaawacyo soo gaareen.
Qaraxyada ayaa ka dhacay Tuulada Mariin guwaay ee u dhaxaysa degmooyinka Buula Mareer iyo Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhinaca kale iska hor’imaadyo u dhaxeeyay Maleeshiyaad kawada tirsan DF-ka ayaa ka dhacay degmada Afgooye,wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu isku qabteen gacan ku heynta isbaarada mukayga oo gaadiidka dadweynaha lacago baad ah looga qaado.
Idale News Online, Maryan Gubaay.