Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dheer siiyey Tel Soomaaliyeed ee Universal ayaa waxuu wareysigiisa kaga warbixiyey guud ahaan xaalada Siyaasadeed ee dalka, horumarka dowladiisu ay gaartey mudadii ay jirtay, waxyaabihii u qabsoomi waayey iyo waxa dowladiisu ay dooneyso inay qabato sanadka soo socda.
Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed waydiistay taageeradooda si xaaladaan adag ee dalka ku jira looga bixi lahaa, isagoo sidoo kalena uGu baaqay hay’adaha caalamka baaq ku aadan dhibaato bani’aadamnimo amaba xaalado bani’aadaminimo oo dalka ku soo food leh in ay dowladiisa gacan laga siiyo
Idale News Online