Ciiddamo ka socda dalka Uganda oo tiradoodu dhan tahay 1,600-Askari ayaa lagu soo biiriyey Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM.
Guutaddan cusub ee Ciiddamadda Uganda, ayaa saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta soo gaaray magaalladda Muqdisho, iyagoo loogu talagalay inay xoojiyaan dadaalka Ciiddamadda AMISOM ugu jiraan sidii nabadda loogu soo celin lahaa dalka Somalia.
Guutadda cusub ee Ciiddamadda Uganda waxaa Taliye u ah Col. William Bainomugisha, waxayna Ciiddamaddan beddeli doonaan Guuto kale oo maalintii Isniintii ee la soo dhaafay dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib markii ay muddo hal sanno ah joogeen Somalia.
Afhayeenka Ciiddamadda Uganda, Colonel Paddy Ankunda ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee Xinhua in Ciiddamadda cusub ee loo daabulay Somalia lagu biirin doono Ciiddamadda Uganda iyo Burundi ee ka hawlgala magaalladda Muqdisho, Marka iyo Goballadda Bay iyo Bakool.
Si kastaba ha ahaatee,Waddanka Uganda oo ah dalkii ugu horreeyey ee Ciiddamo u soo daabula dalka Somalia sannadkii 2007-dii, waxayna Hawlgalka AMISOM ku soo biiriyeen ku-dhawaad 8,000 oo Askari.
Idale News Online