Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamuud ayaa manta ka aqbalay warqadaha aqoonsiga Ambassador Andreas Peschke oo noqonayo Safiirka cusub ee u qaabilsan dowladda Jarmalka dalka Soomaaliya, iyo Ambassador Mahmoud M. Auf oo ah Safiirka u fadhin doono dowladda Masar dalka Soomaaliya. Mar uu Madaxweynaha la hadlayay Safiirka Jarmalka ayuu u sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka uu ka dhexeeyay xiriir dheer oo wanaagsan. “ Soomaaliya waxey ka faa’ideysatay mashaariic ay dowladda Jarmalka ka hirgelisay Soomaaliya.Jarmalka wuxuu taageraa tababarka ciidamada Soomaaliya ayaga oo usoo mariyo EUTM. Ciidamada amnigana waxey helaan tababar heer-sare ah. “Waa la arkaa in uu amniga fiican yahay madaama uu ganacsiga kor u kacay. Mar dhaw waxaan jecel nahay in aan ku tartano suuqyada Yurub, anaga oo suuq geyn doono wax yaabo kala duwan oo ka mid yahay Muuska.” Madaxweynaha ayaa markii u la kulmay Safiirka Masar wuxuu kala hadlay xiriirka taarikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. “Labadeena dal waxey fursad u yeesheen in ay lahadaan xiriir dheer oo qarniyo soo jiray. Dowladda Soomaaliya wey kusoo dhaweyneysaa waxaana daneynaaa in aan ka wada shaqeeyno xiriirka amniga iyo kan diblomaasiyeed.” Ugu danbeyn, madaama aminga dalka Soomaalia u sii hagaagayo iyo Soomaaliya oo ku soo noqotay beesha caalamka,dalal badan ayaa bilaabay in ay xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya in ay dib usoo celiyaan.
Home Idale Somali News Update Madaxweyne Xasan Oo Safiirada Dalalka Jarmalka iyo Masar Ka Guddoomay Warqadahooda Safiirnimo...