Xukuumad Cusub ee R/Wasaare Cumar Abdirashiid oo laga yaabo in Sabtida dhacdo

0
184

Xildhibaanada Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in dib loogu dhigo xilliga uu horkeenayo Baarlamaanka Golihiisa wasiirada ayaa ugu dambeyn cod loo qaaday waxaa lagu diiday codsigii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in 22-ka bisha uu horkeenayo Golihiisa Wasiirada.

Dooda Xildhibaanada oo soo gaartay ilaa 3-da Galabnimo ayaa waxaa diiday codsiga Ra’iisul Wasaaraha 120 Xildhibaan, halka 57 xildhibaan ay ogolaatay, balse Gudoonka Baarlamaanka ayaa si cad u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada la horkeeni doono mudadii ay horay u qorsheeyeen Gudiga joogtada Baarlamaanka oo ahaa 17 bishan oo ku beegan Sabtida.

Xildhibaanada ayaa markii hore buuq ka keenay warqada, waxaana qaarkood ayba dalbanayeen in codka loo qaado isla maanta, halka kuwa kalena ay ku baaqayeen in la tixgeliyo codsiga Ra’iisul wasaaraha, waxaana kala qeybsanaantaas ay keentay in Gudoonka uu ku dhawaaqo in dood la geliyo, codna loo qaado.

Omar_Abdirashid_Sharmarke

Intaas kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa si deg deg ah fadhiga ugu soo biiray, iyadoo markii hore kulanka uu shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa qoraalkiisa uu ku codsanayay in dib loogu dhigo mudada uu horkeenayo Xukuumadiisa ku lifaaqay in Barnaamijka Xukuumadiisa oo dhameystiran iyo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay uu isla keeni doono 22-ka bishan, sida ku qorneyd warqadii uu u soo qoray Gudoonka Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiradiisa dadaal badan ayaa laga rabaa inay kasbadaan Xildhibaanada ka soo horjeeda, ka hor 17-ka bishan oo ku beegan maalinta codka loo qaadayo ee Sabtida, waxaana ka hartay maalinta berri oo kaliya.

Lama oga xaalku meesha uu ku biyo shuban doono, waxaase muuqata in xaalada inay ku soo xumaaneyso Ra’iisul Wasaaraha, mar hadii ay caqabad soo food-saartay ka hor ansixinta Xukuumadiisa.

Haddii aan wax is bedelin tani waxay astaan u tahay rajo xumada soo wajahday Ra’iisal Wasaare Cumar iyo Golihiisa Wasiirada oo maalinta sabtida la hor geyn doono Baarlamaanka, waxaana la saadalinaya haddii aan shaqo badan la qaban in Xukuumadda dhici doono, haatan kooxda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa inay bilaaban habeen iyo maalin shaqo wax lagu kala furfurayo si loo helo taageerada xildhibaanada

Idale News Online, Mogadishu