Oday Dhaqameedyo sheegey in ay ka baxeen shirka iyagoo diidan qoddobo ka mid ah Dastuurka Cusub

0
283

Qaar ka mid ah odey dhaqameedyada Muqdisho ayaa weli ku adkeysanyaa iney iyagu saxaan khaladaad ay sheegeen in uu ku jira Dastuurka cusub, halka inta badan odeyaasha  dhaqanka ay aqbaleen soo jeedinta madaxda sare ee dowlada ee ah in guddiga ansixinta iyo golaha cusub ee barlamaanka la soo xuliyo loo daayo wax ka bedelka dastuurka cusub, si xiliga yar ee kala guurka ee dowladda u harsan loo helo dowlad iyo barlamaan arrimaha dastuurka ee lagu muransan yahay dhameystira.

Nabadoon Maxamed Xassan Xaad oo hormuud u ah odeyaasha ka soo horjeeda qoddobo badan oo dastuurka cusub ku jira ayaa sheegey inuu isaga iyo odayaal  la xulufo ah ka baxeen, sababo uu ku sheegey in aysan u madax banaaneen howshooda isla mar ahaantaasina laga hor istaagey saxaafada iney u sheegaan khaladaadka ku jira dastuurka .

Muddo ka badan Sideetan cisho oo odayaashu marti u ahaayeen dowladda, waxaa jiray isqabqabsi ka taagnaa qoddobo ku jira dastuurka cusub iyo dib u dhac sidoo kale ku yimid soo gudbinta ergadii ansixin lahayd Dastuurka iyo qabsoomida furitaanka shirka ansixinta dastuurka.  Sida muuqata waxaa caqabad ku noqdey odey dhaqameedyo gaar ah oo aan la dhacsaney guud ahaan sii socodka geedi socodka nabada walow aysan si cad u sheegan iney ka soo horjeedaan xiliga kala guurka iyo dastuurka cusub laakiin u arka in rabitaankooda aan la meel marin taasina ay bedelkeeda hakad geliyaan soo gudbinta ergada ilaa marka hore odayaashu wax ka bedelaan qoddobo qaar ee ku jira dastuurka.

Haddaba Xiliga kala guurka dowladda oo ku eg Bisha August 20keeda ayaa beesha caalamka iyo dowladda kmg ku qasban yihiin dhameystirkiisa ka hor bisha August 20keeda si looga hortago howsha mudda dheer la soo waday ee hadda dhameystirka ku dhowee kala guurka oo Somalia islamrkaasina dalku yeesho dowlad rasmi ah oo ka hanaqaada dalka guud ahaan waxii ka dambeeyey bisha August 20keeda.

 

Idale News Online (INO)