Xog xasaasi:shariif xasan oo shook ka qaadey balan kabixii maanta ay ku sameeyeen xildhibaano uu ku dhaaran jirey

0
225

Wararka naga soo gaaraya magaalada mogadisho ayaa sheegaya in madaxweynaha koonfur galbeed shariif xasan sheikh aadan uu manta ufidiyey cusuumaad qado eheed xildhibaanada laga soo doorto deegaanada koonfur galbeed.

Ujeedka casuumaada ayaa lagu sheegey in madaxweynuhu uu quudareynayey in uu kazoo bandhigto musharaxnimadiisa balse manta usuuroobi weysey in uu kahadlo shirka oo uu waayey waxa uudhegeeysto kadib markii lasheegey in shirka oo kucuusanaa dhamaan xidhibaanada koonfur glabeed aqalka hoose iyo aqalka sare ay soo xaadiri waayeen.

Wakiil wareedkeena kusugan magaalada mugadisho ayaa sheegaya in shirku lagu casuumey markii hore 77 da  xildhibaan ee laga soo doorto kgs balse ay soo xaadireen keliya 17 xidhibaan oo isgu jirey aqalka hoose iyo aqalka sare madax waynaha xilkiisa dhamnaya  shariif xasan ayaa lasheegey in arintaas shook kuridey kadib markii uu waayey xubno muhiim ahaa oo uu kaga kalsooni badnaa kuwa manta yimid.

Goobjooge kusugnaa xaflada qabsoomi  weysey ee shariif xasan kudoonaayey in uu musharxnimadiisa ku tijiaabiyo xadka taageero loo haayo,  ayaa lasheegey in uu ku xadaaqey in aysan suura gal eheen wax manta dhacaya isla markaana lasheegey in uu bilaabey in uu telefoonka gacanta kuwaco xildhibaano ay kamid ahaayeen Abdifitax Geesey  iyo kuwa kale oo moodaayey in ay soo xaadiri doonaan balse nasiibdro lasheegey  in laga wada dansadey telifoonada  halka qarkoodna lasheegey in ay kufaaneyeen in reject call kasaarteen number-kisa.

Shariif xasan sheikh aadan ayaa lasheegaya in ay adagtahay sanadkaan xitaa in uu sheegto in uu xilrabo maadaama casuumaadiisa xitaa aan latagin.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa kudoodaya in shariif xasan sheikh aadan lasoo dhaafey waqtigii siyaasada soomaaliya ay ubaahneed wixii hada kadan beeyana keliya wajihi doono fadeexooyin siyaasadeed oo marka ugu danbeysana  gaarsiin doonto in lagu maxkamadeeyo.