XOG XASAASI AH: NISA OO HOGAAN CUSUB U MAGACAWDEY DABAGALKA SIYAASIYIINTA MUCAARADLA AH

0
330

Xog hoose oo aan ka helnay saraakiil sarsare kana tirsan Hay’ada NISA ayaa sheegaya, in agaasimaha NISA Fahad Yasin uu Dhisay hogaan cusub oo qabilsanan doona dabagalka Siyaasiyiinta.

Sargaalka loomagacaabay hogaankan ayaa lasheegey in deegaan ahaan kasoo jeedo kelinka 5aad somalidu degto.

Sargaalkan oo magaciisa lagu Soo gaabiyay Cabdullhi Dheere ,ayaa ahaa saraaliisha Alshabab uqaabilsanaan jirey dabagalka Amiirada Xarakada, waxaana lagu tilmaamaa gacanta midig ee Teliyaha NISA mudane Fahad Yasin.

magacaabista Sarkaalkan ayaa lasheegey in ay ka biyo diidan yihiin saraakiil sare oo katirsan NISA, ayagoo u Arka inuu yahay nin khatar ah oo halis galin kara amaanka Siyaasiyiinta Somaliyed ee mucaaradka ah.
Hogaankan cusub ee dabagalka Siyaasiyiinta ayaa larumeysan yahay in uu ahaa Amar ka yimid dhanka madaxwenye Farmaajo in la abuuro hogaan shaqadaas qabta lana siiyo awoodo xad dhaaf ah oo ay kamid tahay in ay xirikaran qofkay doonan iyo in ay fulin karaan howlgalo qarsoodi ah, ayagoo isticmaalaya ciidanka gaar ah ee ilaalada Shacabka.

saraakiil katirsan hay’ada NISA oo magacooda qariyey ayaa aaminsan in ay suuragalah tahay in shaqada NISA inteeda badan loo leexiyo dabagalka la guna bixiyo miisaaniyad culus oo ay bixinayso dowladda Qatar oo uu Fahad Yasin wakiilka uga yahay Somalia .
Qorshaha ayaa umuuqda mid lagu cabsi galiyo Siyaasiyiinta ka aragtida duwan Dowlada laguna caburinayo sayaasiyiinta u heelan kaqeyb galka doorshada soo socota 2020/2021.