XOG XASAASI AH: DEEGAANKA KAMSUUMA OO XALEY LAGU DUQEEYEY KOOXDA ALSHABAAB

0
233

Xog xasaasi ah: Deegaanka kamsuuma oo xaley lagu duqeeyey kooxda alshabaab

In kabadan 10 kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab oo uu ku jiro horjooge sare ayaa xalay lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose, sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah

Duqeynta dadka lagu dilay ayaa waxaa kamid ah horjooge dhowaan Maleeshiyadaan sheegtay in ay u soo magacaabeen gobalka Banaadir kaas oo lagu magacaabi jirey Subeyb.

Tiro kale oo kamid ah maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lagu dhaawacay duqeynta Kamsuuma oo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka nabad diidka ah.

Weerarkan oo dhacay abaare saqdii dhexe ee xalay ayaa sidoo kale lagu burburiyay Gawaari ay wateen horjoogiyaasha Al-shabab iyo agab kale oo ay lahaayeen Argagixisada.

Muddo labo bil ku siman waa horjoogihii sedaxaad ee argagaxisada ugu magacownaa gobolka Banaadir oo duqeyn lagu dilay waxaa horey loo dilay C/naasir iyo C/weli oo ahaa horjoogayaal ka tirsanaa Argagixisada.

Is kastaba ha ahaatee Cabsi xoogan ayaa la sheegay in ay soo foodsaartay maleeshiyaadka Al-shabaab tan iyo markii la labo laabay weerarada lala beegsanayo saldhigyadooda.