XOG Culus: Intee la eg tahay rajada laga qabo in la ansaxiyo xukuumadda Cumar Cabdirashiid?

0
209

Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay in xildhibaanada ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.


Xildhibaanka oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in golaha wasiirada cusub ay u badan yihiin dad uu sheegay inay horay ugu fashilmeen siyaasada dalka, ayna waxna kusoo kordhin karin qaranka Soomaaliya.
Xuseen Carab Ciise, oo horay usoo noqday wasiirkii difaaca dowladii KMG aheyd ayaa sheegay in xildhibaanada ay dhaliilsan yihiin sida loosoo xulay golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

xuseen_carab_ciise_t1_1
Wuxuu sidoo kale sheegay inay matalaan shacabka Soomaaliyeed oo aysan aqbali doonin in shacabka wax aysan rabin la ansixiyo, sida uu sheegay Xuseen Carab Ciise.


Aniga ilama ahan in baarlamaanka uu ansixinayo golaha wasiirada cusub, sababtoo ah dadka waqti badan ayaa laga lumiyay, mana ansixin doonaan xildhibaanada baarlamaanka&sidasi ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Maalinta sabtida ayaa loo balansan yahay in xildhibaanada baarlamaanka la horgeeyo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, waxaana shalay sidaasi isku raacay gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here