Xildhibaan Xoosh “Dowladdu Waxay Ku Xadgudbeysaa Xuquuqda Qofka Bani’aadamka”

0
188

Muqdisho(INO)— Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah xubin ka ah Guddiga xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku xadgudbeyso xuquuqda qofka Bani’aadamka.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxday Kali talisnimo, isla markaana uu dalka leeyahay dastuur dhigaya xuquuqda qofka bani’aadamka uu leeyahay.

“Soomaaliya waxay ka baxday kali talisnimo, waxaa leenahay dastuur, wuxuu dhigaya xuquuq uu qofka bani’aadamka leeyahay, Qofka muwaadinka wuxuu tagi karaa magaalo kasta oo dalka ka mid ah, lama dhihi karo magaalo hebel kama bixi kartid, magaalo kale ma tagi kartid”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday arrinta Cali Yare oo ah siyaasi da’yar ah, kaasoo labo goor oo hore la xiray, isla markaana lagu amray inuusan ka bixi karin magaalada Muqdisho, waxaana uu ku tilmaamay tallaabadaas mid ka hor imaanaya xuquuqda bani’aadamka, isla markaana dastuurka uu meel ka dhac uu ku yahay.

“Cutubta labaad ee Dastuurka waxaa ku dhigan xuquuqda qofka, lama argagixin kari, lama xiri karo, iyadoo aan sharci loo marin, arrinta Cali yare waxaa u arkaa cabsi gelin lagu sameeyay xuquuqdiisa gaarka ah, wadanka kama bixi karti ayaa la dhahay, waxaa ceeb ah in iyadoo aan waraaq Maxkamadeed la wadin in labo goor la xiro, magacyo been ah oo baraha bulshada wax qiil ah looguma sameyn karo inuu qofka yahay iyo in kale, wax macna ah ma sameyneyso, iyadoo wax cadeyn loo heyn, waa dhacdaa in magacyo kale oo madaxda caalamka baraha bulshada la sameysto, taasna dambi ma ahan, horayna wey u dhacday, hadana wey jirtaa”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in la ogaaday labo koox oo magacyo been abuur ah oo madaxda dowladda ku isticmaalaan, iyadoo shaqsiyaadka la xusay uu ku jiray Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo horay uga soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in arrimahan ay Dowladda sameynayso inay ka muhiimsan yihiin howlaha kale ee qaran ee Dowladda u yaallo inay horay ugu dhaqaaqdo, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay ee dowladdu sheegto inay wax ka qabaneyso shaqsiyaad Internet-ka magacyo madaxda dowladda ku isticmaalaa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here