Xildhibaan Dalxa: ” Safarkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaab Aan Cadaalad ahayn ayuu u dhacay”

0
190

Muqdisho ( INO)-Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay qodobo kala duwa.

Dalxa oo ka hadlay Shirkii ku soo gaba gaboobay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey ayaa sheegay in qodobo wax ku ool ah laga soo saaray laakiin loo baahajn yahay in ficil loo bedelo.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiye ku xigeenka safarka guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Qaahira oo uu uga qeyb galay shirka Baarlamaanada Carabta ayuu sheegay in uu ahaa safar dhabar ka taabasho ah oo la gacan bidixeeyay sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in shirka Baarlamaanada carabta looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka loona baahnaa in laga qeyb galiyo guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse dad aan loogu tala galin laga qeyb galiyay sida uu yiri.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkey ku soo gaba gaboobay shirka madasha 6aad ee Heerka Sare.

Idale News Online, Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here