Xildhibaada beelaha Digil & Mirifle oo badi la sheegey in dib u soo noqonayaan

0
276

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya in ka badan 60% Xildhibaanadii hore ee ka soo jeedey beelaha Digil iyo Mirifle la filaayo in ka mid noqodaan xubnaha cusub ee barlamaanka oo dhowaantaan la shaacin doono,  Dhanka kale, Beelaha Darood, Hawiye, Dir, iyo Beesha 5aad ayaa iyagu is-bedel weyn laga soo sheegayo isla markaasna xildhibaanadii hore ee beelahaas seefta qaadey intooda badan.

Faragalinta madaxda sare ee dowlada gaar ahaan gudoomiyaha Barlamaanka ayaa la rumeysan yahay inuu saameynta ugu weyn ku leeyahay isbedel la’aanta dhanka siyaasada ee beelahaas. Waxayna siyasiinta tartanka ku jirta ee raba in la siiyo fursad ay wax ku qabtaan ka cabanayaan in qaar ka mid ah odeyaasha dhaqanka aysan la tashin beelahooda bedelkeeda ay door bideen nin jecleysi iyo la tashiyo ay la sameeyaan shaqsiyaad aan beeshooda ka tirsaneyn sida gudoomiyaha barlamaanka.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo  faragelinta process hadda socda ayaan marnaba suurtogalin karin in isbedel dadku raali ka yahay la helo.  Waxaase dadka eegaayaan howsha guddiga farsamada ee soo xulista barlamaanka iyo xalinka khilaafaadka ay ka qabtaan  cabashooyinla siyaasiyiinta u soo gudbiyeen. Durbaba waxaa soo if baxeysa in guddiga aysan laheyn wax awood ah  oo haba yaraate go’aan kaga  gaari karaam dacwadaha loo soo gudbiyo, isla markaasna aysan gacanta waxba ugu jirin.

Idale News Online “INO” Muqdisho