xil ka qaadis:Shariif Xasan oo Wasiir dowle ku weeraray Baraha Bulshada xilka ka xayuubiyay

0
296

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Aawoow Suufi Caffan oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ee dhowaan diyaarado lagu keenay magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koofur Galbeed Abba Aawoow ayaa ka soo muuqday baraha bulshada, isagoo si kulul u weeraraya siyaasadda Koofur Galbeed, waxaana wasiirka mararka qaar weeraray shaqsiyadda Shariif Xasan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlaha, iyadoo sababaha xilka looga qaaday lagu sheegay anshax xumo iyo aflagaado ka baxsan hab maamuuska iyo sharafka Golaha Wasiirada Koofur Galbeed.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka

https://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/11/