Xasan Sheekh oo Shariif Xasan ka dalbaday 2 qodob oo ku jira gacanta dowladda Ethiopia

0
148

Baydhabo (INO) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan aan caadi aheyn kuwada qaaten Madaxweyne Xassan iyo Shariif Xassan.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu lahaa qeybo kala duwan balse qeybtiisa ugu wacneyd ayay labada mas’uul qaaten ku dhawaad Seddex saac oo xiriir ah.

Madaxweyne Xassan ayaa kulankaasi la sheegay inuu ku xalinaayay mugdi kaga jiray dib usoo laabashadiisa xilka waxa uuna Shariif Xassan ka dalbaday 2 arrin oo ay kamid yihiin in Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay siiyaan Codkooda iyo inaan cod lasiin Musharaxiinta kale.

Xassan Sheekh ayaa la sheegay in Shariif Xassan uu u ballanqaaday inuu gaarsiin doono heerkii ugu sareeyay waa haddii uu ka shaqeeyo in mar kale uu hanto Xilka.

Shariif Xassan oo qancinaaya Xassan Sheekh ayaa la sheegay in durbadiiba uu la hadlay Siyaasiyiin iyo Saraakiil dowlada Ethiopia ka joogtay magaalada Baydhabo kuwaasi oo u fadhiistay go’aan ka qaadashada codsiga Xassan Sheekh ee ku khasbay inuu gaaro magaalada Baydhabo.

Xassan Sheekh ayaa la sheegay in qudhiisa uu qaabilay mas’uuliyiintaasi kasoo jeeda dalka Ethiopia, waxa uuna dhagtooda ku dhibciyay in ujeedkiisa uu yahay in mar kale lagu garabsiiyo qabashada xilka.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in wali uu kulan isugu laaban yahay isaga iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda dalka Ethiopia iyo Shariif Xassan oo dhinac ah.

Xassan wali lama siinin go’aan cad waxaana jira warar aan wali la shaacin oo sheegaya in Shariif Xassan qudhiisa uu yahay Musharax.

Dhinaca kale, Xassan Sheekh ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu kusii nagaan doono ilaa maalinta Arbacada.