Xarakada Al-Shabaab oo maanta fagaara ku yaala buula burdo ku soo bandhigtay bub ay ka soo furteen mustaxiil (sawiro)

0
196

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaal degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ku soo bandhigay hub iyo agabyo kale oo ay ka soo furteen deegaano hoos yimaada degmada Mustaxiil ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo weerar ay ku qaadeen. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha lagu soo bandhigay hubkan iyo agabyada kale, iyadoo saraakiisha Shabaab oo goobta ka hadlay ay sheegene inay tahay qeyb ka mid ah qaniimadii cadawga laga soo furtay.

Gaari kuwa xamuulka ayaa ka mid ahaa kuwa ay soo bandhigeen Shabaab, kaasoo ay sheegeen inay wateen Ciidamada Itoobiya. Hubka la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa qoriga BKM, bambooyin rasaas, dareys ciidan dharr, mobilo iyo kuwa kale. 

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo munaasabada bandhiga khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada nuucaan oo kale ay la galayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanada Soomaalida.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalo ka dhacay deegaano dhinaca Galbeed ka ah Beledweyn, oo ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya, iyadoo dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 15-ruux oo dhinacyadii dagaalamayay iyo dad rayid isugu jira


 


 


 


 


 


Idale News Online Mogadishu