Werero culus oo ay kaqeyb qaadanayeen diyaaradaha qumaatiga ukaca oo xaley kadhacey deegaanada jubaland

0
133

Warar hoose ayaa xaqiijinaya in habeenkii xaley ahaa ay geesteen diyaaradaha qumaatiga ukaca ee laga leeyahay dalka mareykanka duqeymo kala duwan.

Diqeymaha ayaa lasheegey in ay ku kala dhaceen degmada jilib iyo degmada bu’aale ee kawada tirsan deegaanda jubaland.

Duqeynta kadhacdey degmada bu’aale ayaa lasheegey in lala beegsadey amiirka dhanka amniga gobolka banaadir  oo lagu magaabo Cabdifitaax iyo saraakiil kale kuwaasoo lasheegey in weererka lagu qaarijiyey isla bu’aale ayaa lasheegey in ciidamada alshabaab ee gedo qaabilsanaa lagu weererey halkaasi ayagoona lasheegey in lagaarsiiyey qasaare xoogan  wallow aan laxaqiijin tirade wax ku noqotey hakaasi

Weererka 2aad ayaa lasheegey in uu kadhacey degmada jilib waxaana lala beegsadey xaruunta guud ee qaraxyada ay ku abaabulaan  kooxda alshabaab isla degmadaasi ayaa laxaqiijiyey in ciidamo ashabaab ah oo udiyaar garoobayey weerer ay ku qaadaan ciidamada Kenya jilib isku aruurinayey lala beegsadey duqeymo ayadoona lasheegey in halkaasi loogu bur buriyey qaar kamid ah gaadiidkii ay isticmaalayeen.

Bilihii lasoo dhaafey kooxda alshabaab waxey wajaheysey weeraro dhanka circa ah ayagoona lasheegey in ay ka qaxayaan qaar kamid ah deeganadii ay kacanta ku haayeen