Weerarkii Wasaaradda Tacliinta oo lasoo Afjaray 9 dhimasho 11 dhaawac ah

0
182

Muqdisho (INO) – Weerar Qarax ku Billowday oo ay Kooxda Shabaab ku qaadday Wasaaradda Tacliinta sare iyo Hidaha ayaa lasoo Afjaray Daqiiqado ka hor, wuxuuna Galaaftay Nolosha 9 qof oo Rayid iyo Ciidan u Badnaa, waxaana ku dhaawacmay 11 kale.

Teaser Image Weerarkii Wasaaradda Tacliinta oo lasoo Afjaray 9 dhimasho 11 dhaawac ah

Weerarka Wasaaradda Tacliinta sare iyo Hiddaha waxaa Sheegatay Mas’uuliyaddiisa Kooxda Al-shabaab, Cabdi Casiis Abu Muscab, Afhayeen Ciidamada Shabaab u hadlay ayaa sheegay in ay Kooxdu Dantii ay ka laheyd weerarkaas ay ka Gaartay.

DFS kama aysan hadal Weerarka oo ay dadka ku dhaawacmay ka mid yihiin Mas’uuliyiintii Wasaaradda ka shaqeynayey, waxaase Kooxda Weerarka qaadday oo aan Tiradooda la shaacin ay ku dhinteen Dhamaantood Goobta uu Weerarku ka dhacay.

ku dhowaad 2 Saacadood ayuu Weerarku Socday, wuxuuna la mid yahay kuwo horay Muqdisho uga dhacay, sida kii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Hotel ku yaalla Muqdisho kaasoo ay dad ka badan 14 qof ku dhinteen, wallow uu Waqti ahaan kaasi ka badnaa midka Maanta dhacay.

Goobaha Caafimaadka ayaa la dhigay 11-ka qof ee dhaawacmay oo ay Gaadiidka Gurmadku qaadeen.

Wixii Warar ah ee Dowladdu kasoo Saarto Weerarka iyo Faafaahin Dhameystiran la soco.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here