Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Dalka Oo Sheegey In Wasaaradiisa Ay Garab Taagan Tahay Barakacayaasha Muqdishu Ku Nool

0
208

Muqdisho(INO)-Magaalaada Muqdishu waxaa ku yaalo xarumaha wasaaradahii dalka Soomaaliya uu lahaa oo dhan, waxaa hanti ma guurto ku lahaa dadka afka Soomaaliga ku hadlo oo dhan, burburkii dowladdii dhexe ee Somalia waxaa dhacday in wixii hanti ee Muqdishu yaalay la boobo ha noqoto mid shakhsiyadeed ama mid dowladeed, guryahii wasaaradaha dalka dad ayaa qabsaday oo ku intifaacay in ka badan 20 sano.

SALAX

Wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska waxa ka mid tahay kuwa ugu guryaha badnaa wasaaradahii Soomaaliya, hase yeeshee ma jirto hal xarun oo ay wasaaradda ku shaqeyso, waxayna dul saar ku tahay wasaarad kale.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud Engineer Saalax Sheekh Cusmaan waxa uu qabaa in wasaaradiisa ay ka midtahay barakacayaasha ku nool magaalada caasimadda ah, wasiirka ayaa hadalkan u sheegay wargeys ka soo baxo magaalada Muqdishu.

Eng. Saalax waxa uu sheegey in guryihii iyo dhismayaashii wasaaradda ay iska heystaan shirkado ganacsi, shaqsiyaad iyo waliba dad shisheeye ah, islamarkaasina dad aan xitaa shaqo ku lahayn wasaaradda ay lacag kiro ah ka qaataan dhismayaasha.

Ma uusan sheegin kuwa ay yihiin dadka uu sheegayo, waa arin la fahmi karo taasi, sababtoo ah waa xaaladda dhabta ah ee ay ku shaqeeyaan wasiiradda dowladda federaalka intooda badan, isaga ayaaba hadlayee, kuwa kale waa “af salax ku dheg” sida uu noo sheegey qof xog ogaal ah.

Marka laga hadlayo dib u dhiska, Engineer Saalax waxa uu qabaa in marka hore in ay tahay in la dhiso maskaxda dadka, akhlaaqdooda iyo waddaninimadooda ka hor inta aanan la dhisin waxyaabaha kale.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here