Wasiir Hadliye: “Shirka Guud ee Qaramada Midoobay Natiijo Wanaagsan ayaanu ka Filaynaa”

0
182

New York(INO)— Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sheegay in shirka guud ee golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobey ee sanadkan ay ka rajeynayaan natiijo wanaagsan.

Wasiir  Hadliye oo la hadlayay Idaacada VOA ayaa sheegay in shirka intiisa badan looga hadlayo sidii loo tir-tiri lahaa saboolnimada 15-ka sano ee soo socota, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka dhaqaalo ahaan laga taageerayo.

“Shirka waxaa ka rajeyneynaa inay natiijo wanaagsan nooga soo baxdo, waxaana Madaxweynaha uu khudbad ka jeedin doona shirka”ayuu yiri C/salaan Hadliye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay la hor-tagi doonto shirka guud ee golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobey wixii u qabsoomay mudadii sanadka aheyd, waxaana uu tilmaamay in wax badan u qabsoomay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya ka jeedinaya shirka ka socda Qaramada Midoobey.

Shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka dhaco New York, waxaana shirkaas guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Idale News Online, New York

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here