Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee KGS Oo Maanta Ku Hawlan Magacaabista Gudoomiyaasha Degmooyinka Afgooye Iyo Marka Ee G/Sh/Hoose

0
202

Afgooye(INO)-Waxa Maanta  la filayaa in Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose Ee KGS Uu magacaado gudoomiyaal cusub Ee Degmmiyinka Marka Iyo Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose isla markaana xubnihiisii la shaqeyn lahaa oo maalmahaanba uu buuq fara badan ka taagnaa welina Sida La Sheegey aan la xalin.

sata

Magacaabista lagu wado gudoomiyaasha cusub loo magacaabayo Degmooyinka Marka iyo Afgooye  Ee Gobolka Shabellaha Hoose,ayaa xubnaha ku weheliya magacaabista waxaa ka mid ah Saraakiil ciidan oo loo Magaabi doono xilalal cusub oo xagga ciidanka ah.

Saraakiishan oo aysan qaar ka mid ah sida la sheegey aan u dhalan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxa ka mid ah gudooiyihii hore ee degmda Howlwadaag Ee Gobolka Banaadir  Jacfar oo loo magaaci rabo gudoomiyaha Nabad sugidda gobolka shabeelad hoose.

Mr. Jacfar oo ka mid ahaa Raggii hogaamin jiray maamulkii Burburey Ee Shabeelle State oo lagu eedayey gumaadka shacabka degan Shabeelda hoose oo ilaa hadda aan weli ka soo kabsan dhibtii uu geysatay Maamulkaasi, iyo gudoomiyaha  Degaanka NO 50 C/laahi Waafow oo loo magacaabi rabo Abaanduuliyaha Ciidanka Daraawiishata Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ugu dambeyntii Waxaa suurta gal ah in wax kasta is bedelaan laakiin waxaa Akhristiyaasha  ku xiran Shabakadda Warbaahinta Idale News Online  u balan qaadaynaa in aan usoo tabin doono hadba, waxii ka soo kordha macagaabista la rajeynayo in lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Warkan Wixii ka Soo Kordho Kala Soco Idal News Online,Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here