Wararkii Ugu Dambeeyey Inka Badan 10-Ruux Oo Shacab Ah Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacay Gobolka Bay

0
180

Burhakaba(INO)— Faah faahin ayaa ka soo baxaya duqeyn ay ku dhinteen in ka badan 10-ruux oo rayid ahaa, meel ku dhow degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, kuwaasoo ahaa barakacayaal, iyadoo duqeyntan ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan oo saarnaa gawaari ay kaga soo barakaceen deegaanka Dalandoole lala eegtay duqeyn diyaaradeed, halka warar kalena ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ay rasaas iyo madaafiic ku garaaceen gaadiidkii ay la socdeen.

Duqeynta ayaa waxaa dadka ku dhintay ku jiray afar caruur ah iyo lix haween, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare kale oo dhaawac ah oo soo gaaray dadka saarnaa gawaarida la duqeeyay.

Mid ka mid ah ehelada dadka la xasuuqay oo lagu magacaabo Ifraax ayaa u sheegtay warbaahinta Muqdisho in dadka dhamaantood ay ka soo barakaceen colaada, iyadoo intii ay sii jeedeen Buurhakaba la duqeeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad kale oo ka bad baaday gaariga oo howdka ku cararay ay rasaas ku fureen Ciidamada is garabsanaya.

Waxaa soo baxaya eedeymo loo jeedinayo ciidamada huwanta ah oo ku aadan in dad rayid ah ay dileen, waxaana deegaano ka tirsan Bay iyo Bakool laga soo sheegayaa dhibaatooyin ay ciidamada u geysteen dad shacab ahaa oo u badan xoolo dhaqato.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa beeniyay wararka sheegaya in dad rayid ah la dilay, isagoo xusay in Al-Shabaab ay shacabka dhex galeen, ayna suurta gal tahay in rasaasta ay waxyeelo u geysato dadka rayidka ah.

Idale News Online, Burhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here