Wararkii ugu dambeeyay dagaal saaka ka Qarxay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0
169

Baledweyne(INO) — Dagaal qaatay in ka badan Sideed saacadood oo xiriir ah ayaa wali ka soconaya xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, kaa oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka soo kala jeedda beello horay siddan oo kale ugu dagaallamay qeybo ka mid ah galbeedka gobolka Hiiraan.

In ka badan 7 ruux ayaa la rumeysay yahay ilaa iyo hadda in ay ku dhinteen dagaalka oo wali socod, halka isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne la gaariiyay dhaawaca dad rayid ah oo ka badan 20 ruux.

Marka laga soo tago dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay, waxaa jira dadka kale oo rayid ah oo ku dhax go’doonsan qeybaha ay ka kooban tahay xaafadda Howl-wadaag, kuwaa oo baqdin weyn ka qaba wax yeello ka soo gaarta dirirta socta, madaama labada maleeshiyo ku dhax-dagaallamayaa dadka shacabka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid si toos ah u dhax-gashay dhinacyada iska soo horjeeda hasse ahaatee waxaa soconaya dadaallo ay waddaan odayaasha dhaqanka oo xiriiro kala duwan la sameynaya waxgaradka beellaha dagaallamaya, iyaga oo ka dalbanaya in xabada la joojiyo.

Inkastoo colaada labada beellood muddo dheerba soo jirtay, haddana dagaalka saakay ka qarxay magaalada Beledweyne ayaa salka ku haya dilka saddex ruux oo labo cisho ka hor lagu dilay xaafadda Howl-wadaag oo dhinac ka mid ah beellaha dagaalamaya ku eedeeyeen in ay dilkaa ka danbeeyeen dhinaca kale.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here