Beesha Biyo-maal oo dib ula wareegtey deegaanka No.50 ee Gobolka Sh/Hoose.

0
205

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa, dagaal qaatey saacado badan oo ka dhacey deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, una dhaxeeyo beelaha deegaanka iyo ciidan beeleed labistan dareeska ciidanka dowlada federaalka ayaa la sheegay in galab dhacii uu qaboobey ka dib markii dagaal rugaal celin ah  beesha Biyo-Maal kula wareegtay fariisimihii saakay laga saarey.

Wararku waxa intaas ay ku darayaan in caawa deegaanka lambar konton ay ku sugan yihiin dadka degaanka kuwaasoo degaal ba’an la galey kooxda la sheegay in labiska ciidanka dowlada xirnaayeen dagaaladii baryihii ugu dambeeyey ee gobolka ka dhacaayey ku lugta lahaa.

Godoomiyaha Degaan No. 50 C/laahi Gaafow oo warbaahinta qaar la hadley ayaa tibaaxey in uu ku sugan yahay caawa degaan No. 50 oo hoostago Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose, isla markaana waxa uu tilmaamey in maleeshiyo beeleedkii labisnaa dareeska ciidamada xoog ay uga saareen goobihii saakey laga qabtey ciidankooda

Si kastaba ha ahaatee, waxaa beryihii ugu dambeeyey dagaal qaraar uu ku dhax maraayey koox ka wada tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo hab qabiil u abaabulan ula kala saftay beelaha ay ka soo jeedaan. waxaana dagaalkani la sheegayaa inuu salka u haayo lahaanshaha deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, iyadoo Beel ka mid ah meelaha dirirtu socota ku lug leh lagu eedeeyey inay iyadu sabab u tahay dagaalada soo noqnoqday iyo boobka lagu haayo beeraha iyo maamulka gobolkaas.

Xasan Bashaa
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Koonfur Galbeed Somalia,