DAAWO: Walaaca Qaramada Midoobey iyo go’aanada ay ka qaateen Gobollada Jubooyinka gaar ahaan ismari waaga dowlada iyo Maamulka Jubaland

0
173

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa walaac ka muujiyay xaalada magaalada Kismaayo, halkaasoo todobaadkii hore uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay maleeshiyaad isku haya maamulka magaalada.qaramadaMidoobey

War saxaafadeed ka soo baxay Golaha ammaanka kadib fadhi golaha ku yeeshay magaalada New York ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo dejiyo xaalada magaalada, oo ay ku wada sugan yihiin dhinacyo Madaxweynayaal sheeganaya.

Dhinacyada Kismaayo ayuu goluhu ugu baaqay inay toos ula shaqeeyaan dawlada Federalka ah ee Soomaaliya si loo helo xaalad degen oo nabdoon sida war saxaafadeedka ku qoran.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in dhibaatada ka jirta Kismaayo ay saameyn ku yeelan karto nabada iyo degenaanshaha ka jirta dalka, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo adag laga qaadayo cid kasta oo loo arko inay diidan tahay degenaanshaha Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay nidaamka dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhismaha maamulada dalka iyo shuruucda dowladda kaga degsan.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa si buuxda war saxaafadeedkan ugu taageerey war murtiyeedkii madaxda dalalka ku jira urur goboleedka IGAD ee soo baxay 24ka bishii May, waxaana uu ugu baaqey dalalka IGAD ku jira iyo kuwa kale ee deriska ahba inay door wax dhisaya ka qaataan sidii gacan looga geysan lahaa yareynta xiisadaha ka taagan gobollada Jubbooyinka lana helo wadiiqo looga gudbo dhibaatooyinka taagan.

Waxaa Xubnaha Golaha Amaanka ay sidoo kale soo dhoweeyeen doorka wax ku oolka ah ee Dowladda Somalia ee hoggaaminta dadaalada dib u heshiisiinta ee gobollada Jubbooyinka iyadoo taageero ka heleysa xafiiska hawlgalka QM ee arrimaha Somalia UNSOM, urur goboleedka IGAD iyo qeybaha kale ee muhiimka ah.

Golaha ammaanka waxaa kale oo uu xusey in wakiilka gaarka ee QM ee Somalia u qaabilsan Mr Nicholas Kay diyaar uu u yahay inuu dowladda Somalia kala shaqeeyo xal u helista xasaradaha gobollada Jubbooyinka, isla markaana muhimadda la siiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al Shaba boo weli degaano dhowr ah oo goboladaasi ka talisa.

Ugu dambeyntii warbixinta Golaha Ammaanka waxaa lagu xusey taageerrada hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo isla markaana carabka ku adkeeyey sida ay uga go’an tahay inay talaabo adag ka qaadaan cid alaalee ciddii isku dayda inay caqabad ku noqoto nabadda iyo hanaanka dib u heshiisiinta Somalia.

Khilaafka ka taagan Kismaayo ayaa caqabad ku noqday siyaasada dowladda ee ku wajahan barnaamijka maamul u sameynta dalka, kadib markii Maamul aan loo marin habkii sharciga looga dhawaaqay Kismaayo, kaasoo xaalada sii cakiriyay