Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Jigjiga “DAAWO SAWIRRADA”

0
202

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo gaaray magaalada Jigjiga ee Caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayadoo wafdiga gudoomiyahana si heer sare ah loosoo dhaweeyey.

Wafdigan uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga mas’uuliyiinta ugu sareysay Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayadoo Madaxweynaha dowlad deegaankana uu kasoo raacay wafdiga Gudoomiyaha magaalada Addis Ababa, Waxgarad yo qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo markii ay wafdiga gudoomiyaha soo gaareen garoonka diyaaradaha lagusoo dhaweeyey ciyaarro hidaha iyo dhaqanka ah,waxaana gudoomiyaha carruur ku labisan dharka Hidaha iyo Dhaqanka ay gudoonsiiyeen ubaxyo.

Markii garoonka diyaaradaha lagusoo dhaweeyey kadib wafdiga uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa loosoo galbiyey guriga Martida magaalada Jigjiga halkaasi oo quraac sharafeed wafdiga loogu sameeyey.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo guriga martida magaalada Jigjiga saxaafadda kula hadlay ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida heerka sare ah ee loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga waxaana uu Gudoomiyuhu mahad celin u jeediyey shacabka iyo madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo isaguna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta ay magaalada Jigjiga ay yimaadaan wafdigii ugu horeeyey ee ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu intaasi ku daray in wafdigan ay waxbadan wadaagi doonaan sidii dhanka hormarka la isaga dayan lahaa.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu xusay in socdaalka wafdigan uu Gudoomiyaha hogaaminayo ay ku yimaadeen magaalada Jigjiga uu yahay socdaal taariikhi ah islamarkaana ay waxbadan ka faa’ideysan doonaan hormarrada kala duwan ee ka jira magaalada Jigjiga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maalmihii aynu kasoo gudubnay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkan Ethiopia ayadoo socdaalka ay hada gudoomiyaha iyo wafdigiisa ku yimaadeen magaalada Jigjiga uu qaadan doono mudo Labo cisho waxaana mudadan uu booqanayaa goobo muhiim ah oo ka mid ah magaalada Jigjiga ayadoo goobahaasina ay ugu horeyso Jaamacadda Jigjiga halkaasi oo uu khudbad ugu jeedin doono kumanaan Ardayda Jaamacadda wax ka barata ah.

 

 

Idale News Muqdisho