Wafdi ka socda Somalia oo ka qeybgala shir maanta ka furmay Magaaladda Mersin.

0
168

hhhhhjhghvgygtvhfgxd

Wafdi heer sare ah oo ka socda Xukuumadda Somalia ayaa waxa ay maanta shir uga qeybgalayaan Magaaladda Mersin ee Dalkaasi Turkiga.

Wafdiga ayaa waxaa horkacayay Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi waxa ayna ka qeybqaadanayan Shir Gowrdhow ka furmay  Mersin oo looga hadlayo horumarinta duullimaadyada Somalia.

Shirka oo ah mid diiradda lagu saarayo duullimaadyada ayaa waxaa goob joog ka ahaan doono wakiillo ka kala socda Mareykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo qaar ka tirsan dalalka Carbeed ee daneeya Arrimaha Somalia.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia soo dhaweynayaan Shirka Duullimaadka looga hadlayo, waxa uuna sheegay inuu Rajo wanaagsan ka qabo bilowga iyo gabagabada Shirka, isagoona carabka ku dhuftay in dhowaan dib loo howlgelin doono duullimaadyada Somali Airline iyagoo kala kaashanaya dowlado ka tirsan caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka warfaafinta xukuumadda Somalia Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, ayaa waxa uu soo dhaweeyay soo noqoshadda Rajada Dalka Somalia iyo habsami u socodka Ammaanka iyo Horumarka.

Idale News Muqdisho