Waa maxay sababta keyntay in Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo shaqo joojin lagu sameeyo?

0
209

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaqo joogin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la ogeysiiyay Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha ganacsiga Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo in shaqo joojin lagu sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Lama oga sababta rasmiga  ah ee ka dambeysa shaqo joojintan lagu sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in shaqo joojintan ay xiriir la leedahay gacan ku dhigista rag lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen dhaqida lacagta madow ee dollarka oo dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waa markii labaad ee ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu shaqo joojin ku sameeyo wasiir ka tirsan xukuumadiisa iyadoo hore wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha Dibbada shaqo joojin loogu sameeyay.