Video Ardayda Jaamacada Upper Jubba Ee Dhameystey Waxbarashadda Heerka 1aad Oo Difaacday Buugoogi Qalin-Jabinta

0
183

Baydhabo(Wadani News24)- Waxa Maanta Ardaydii Ugu Horeysay Ee QalanJabinysa Jaamacadda  Upper Jubba  Ee Magaalada Baydhabo Loo Qabtey xaflad ay ku difaanacayaan buugoogi qalin-jabinta shahaadada heerka Koawaad oo ay Jaamacadu ugu qabatay xarunteeda Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Ardaydan oo soo wadday  daraasada buugooga shantii bilood ee u dambaysay, ayaa kala bartay Kulliyadaha kala ah: –

  1. Kulliyadda Xanaandda Xoolaha iyo Beeraha (College of Animal Science Agriculture).
  2. Kulliyadda Waxbarashadda (College of Education)
  3. Kulliyadda Feydhoorka ( College of Public Health)

Si kastaba ha ahaate, xafladan oo uu si rasmi ah u furay  Gudoomiyaha Jaamacadda Upper Jubba Yusuf Xaaji ayaa tafaasiil ka bixiyay qaabka ay waxbarashadan u qaadan jireen ardaydan buugooga difaacanaysay.

Waxa Sidoo kale ka soo qiib-galey dufcashada Bugaagta Prof.C/llahi Kuusow oo  bare Sare ka ah Jaamacad Ku Tallaalo Dalka Canada.

Hadaba, hanaanka dufcashadda buuga ardayga waxbarashada heerka Kowaad Ee dhamaystay ayaa ahaa mid aad u adag.

Kooxda ama Group kasta waxay hor tageen ‘pane’l ka kooban 8 barre-Jaamacadeed . Iyadoo 10 daqiiqo uu Group Weliba buugaagtoodu ay sharaxayaan, 7 daqiiqana su’aalo ad adag oo daraasadooda la xiriiirta dabada loo qabananay.

Waa markii ugu horaysay ee Jaamacadda Upper Jubba ay arday dhamaysatay waxbarashada heerka Kowaad (Bachelor Degree) ay ka qalin-jabin doonaan.

Ugu dambeyntii, Jaamcada Upper Jubba Ee Magaalada ayaa La Yagleeley Sanadkii 2014,waxayna kaalin weyn ka qaadatey Mudadii ay jirtay Wacy-galinta Bulshadda iyo Tusida Dadweynaha Ilaha Wax-soorka Dhaqaallaha Dalka..