USA: Trump oo haweenay Mucaaridkiisa kamid ah u magacaabay Safiirka UN-ka

0
33

NY(INO)- Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa shaaciyey in uu safiirka Qaramada Midoobay u fadhiya Maraykanka u magacaabi doono haweenayda hada Gudoomiyaha ka ah gobalka South Carolina ee Nikki Haley.

Nikki Haley ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka India, waxayna kamid aheyd siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee horey u mucaaraday Donald Trump xiligii uu ku jiray tartanka murashaxnimada xisbigaasi Jamhuuriga.

Mrs.Haley ayaa kamid ahayd siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga ee sida weyn u cambaareeyey qorshaha Trump xiligaasi ku dhawaaqay ee ahayd in Muslimiinta laga xayiri doono inay tagaan dalka Maraykanka, waxayna xiligaasi taageero weyn u muujisay murashaxiintii la tartameysay Trump gaar ahaan Marco Rubio iyo Ted Cruz.

Nikki Helay ayaa aqbashay inay xilkan qabato iyadoo sheegtay inay sharaf iyo xushmad weyn u tahay inay dalkeeda u matasho Qaramada Midoobay.

Haweenaydan ayaan lahayn khibrad dhanka arrimaha dibada balse Trump ayaa sheegay inay tahay qof ku fiican xal u helida arrimaha furdaaminta u baahan isla markaana ay ku haboon tahay xilkaasi. Go’aanka Trump ayaa u muuqda mid lagu raali gelinayo mucaaridka uu ku dhex leeyahay xisbigiisa Jamhuuriga iyo waliba wadamada kale ee caalamka ee isha ku haya tilaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha cusub.