Ururka Al-Islax oo laga garab u qeybsamey

0
352

Sida lagu sheegay bayaan maanta ka soo baxay ururka Al-Islaax ee Soomaaliya oo ah urur ka tirsan Shabakada Ikhwaanul Muslimiin ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku cadeeyeen inay ururkooda ka casileen illaa saddex masuul oo sare oo ururka ka tirsanaa mudo dheer.

Bayaanka ka soo baxay Xarakada Al-Islaax oo nuqul ka mid ah  ay heshey Idale News Online (INO) ayaa waxaa ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Axmed Garyare oo ah aas aasaha ururka, waxaana lagu sheegay bayaanka in guddi xaqooqo raadin ah oo ururku u saaray mashaakil ka dhexjira ay soo jeediyeen casilaada shakhsiyaadkaasi.

Masuuliyiinta la casilay;

1- Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar (oo ahaa xubnaha maamulka ee Al-Islaax ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho).  Dr Cali waxay Al-Islaax ku eedeysay inuu xiriir sir ah (qarsoodi) la yeeshay jihooyin ajnabi ah.

2- Dr Cali Baashe Cumar (oo ahaa gudoomiyaha Xarakada Al-Islaax), isaguna waxaa lagu eedeeyey inuu ku fashilmay inuu hogaan fiican la yimaado uuna la saftay garab ka tirsan ururka.

3- Mustafe C/laahi Cali (oo ahaa xubin ka tirsan Al-Islaax). Waxaa lagu eedeeyey inuu fidno ka dhex waday ururka Al-Islaax dhexdiisa.

Sida ku qoran bayaanka waxaa go’aanadan ay ka dambeeyeen soo jeedinta guddixaqiiqo raadin ah oo bishii Febraayo 2012 Xarakada Al-Islaax ay u saartay baarista dhibaatooyinka ka dhex jira Xarakada dhexdeeda.

Bayaanka Xarakada Al-Islaax ayaa waxaa kale oo uu ku baaqay in la qabto shirweyne guud oo ay ka soo qeybgali doonaan guud ahaan xubnaha ururka Al-Islaax kaasoo lagu girfeyn doono xaalada ururka Al-Islaax uu ku jiro.

Dhanka kale Garabka Xilka laga qaadey ee Ururka Al-Islaax oo ka mid ah Ururada Islaamiga ayaa isna bayaan uu maanta soo saaray kaga jawaabay hadal ka soo yeeray Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare) oo ahaa inay xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Ururka Islaax iyo xubno kale, kadib markii uu ku eedeeyay inay baal mareen xeerarkii u yaalay ururka.

Bayaanka Xarakada Islaax oo uu ku saxiixnaa Cali Baashi Cumar Xaaji ayaa lagu sheegay in Ururka Islaax uu leeyahay hogaan maamul iyo shuruuc kala hagta howlihiisa, isla markaana ay keentay in Ururka uu noqdo mid ku caan baxay kala dambeyn iyo waxqabad mudadii 34-ta sano uu jiray.

“Waxaa layaab ku noqotay dhammaan xubnaha ururka iyo maamulladiisa kala duwan wargeysigii uu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da siiyay Sheekh Maxamed Axmed Nuur taariikhdu markay ahayd 23-kii Luuliyo 2012; kuna sheegay inuu kala diray mas’uuliyiinta iyo golayaasha ururka, isaguna iskiis isugu magacaabay inuu yahay madaxa KMG ah ee ururka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Islaax”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

 

Idale News Online (INO)