UPDATE: Itoobiya oo xoojineysa dagaalkeeda ka dhanka ah Al-shabaab

0
200

Addis(INO) – Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in dowlada Uganda iska kaashan doonaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka go’an tahay in la ciribtiro Al-Shabaab madaam ayuu yiri ay dhibaato badan ay ku hayaan geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tilaabo walba oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay iska kaashan doonaan labada dowladood.

Dowladdaha Uganda iyo sidoo kale Itoobiya ayaa ka mid ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ay dhowr jeer ay sheegeen in ay labo jibaari doonaan dagaallka lagula jiro Shabaab.

 Ciidammada Itoobiya ayaa howlgalkooda ugu balaaran ka fuliya gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan oo ay ka joogaan ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.