UNICEF iyo EU oo iska kaashanaya sidii looga hortagi lahaa akaraynta carruurta Soomaaliyeed

0
155

Muqdisho(INO)— Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in laga badbaadiyay boqolaal carruur Soomaali ah in ay ku biiraan ciidamada kadib markii la siiyay tababaro farsamooyin kala duwan leh.

Mashruuc socday muddo 15 bilood ah oo bilowday bishii June 2014  ayaa carruur iyo dhalinyaro gaareysa 401 waxaa ay ka faa’ideysteen tababaro kala duwan waxaana ku baxday lacag gaareysa hal malyan o dollar taasoo Midowga Yurub uu ugu deeqay.

Dhalinyaradan oo rubuc ka mid ah ay ahaayeen gabdho ayaa la siiyay tababaro ay ka mid yihiin xirfadaha farsamada korontada,maamulka xafiisyada,farsamada baabuurta jyo xirfado kale. Sidoo kale tiro ka mid ah dhalinyaradaa ayaa la geeyay xarumaha waxbaraashada tooska ah iyagoo ku biirey fasalo kala duwan.

Gabdhaha iyo wiilasha ayaa waxa ay hore u ahaayen cunto kariyaal,xamaali iyo weliba shaqooyin kale oo ay u hayeen kooxaha hubeysan.

“Carruurta ka mid ah kooxaha dagaalamaya ha noqdaan kuwo Soomaaliya iyo caalamka oo idil waa qaar aan la aqbali karin.”ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub ahna safiirka u qaabilsan EU Soomaaliya war uu ka soo saaray magaalada Nairobi.

Ugu yaraan shan kun oo ah dhalinyaro da’a yar iyo carruur ayaa ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka jira dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen muddo kabadan labaatan sano.

Hase yeeshee warbixintan ay soo saareen UNICEF iyo EU ayaan lagu xusin magaalooyinka carruurtan lagu tababaray xirfadaha kala gedisan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here