UK: Wasiirka Arrimaha Dibada oo diiday inuu ka qeyb galo shir EU-da uga tashaneyso Trump

0
165

LONDON(INO)- Wasiirka Arrimaha Dibada ee UK, Boris Johnson ayaa diiday inuu ka qeyb galo shir maanta oo Axad ah ay Wasiirada dalalka Midowga Yurub ka yeelanayaan natiijada Doorashadii Maraykanka iyo Madaxweynaha Cusub Donald Trump.

Wasiirka UK ayaa sheegay in Dalalka Midowga Yurub ay joojiyaan hadalada ka dhanka ah Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump, isagoona sheegay in dowlada Ingiriiska ay ka fakareyso mustaqbalka marka ay ka baxaan Midowga Yurub inay xiriir wanaagsan lasii lahaadaan dalka ay xulafada yihiin ee Maraykanka.

Balse dalalka Midowga Yurub hogaamiyayaashooda ayaa walaac ka muujinaya guushii Donald Trump oo isagu horey uga dhawaajiyey inuu wax badan ka bedali doono Isbaheysiga NATO, xiriirka ganacsi iyo heshiisyadii hore ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa xiligii uu ku jiray ololaha doorashada sheegay inuu joojin doono kaalinta Maraykanka iyo dhaqaalaha badan uu ku bixiyo isbaheysiga NATO oo xiligan dhaq dhaqaaq xoogleh ka wada dalalka Bariga Yurub ee xaduudalaleh Ruushka. Xukuumada Moscow ayaa iyaduna walaac ka muujineysa awooda sii kordheysa ee NATO iyo saldhigyada ay ka sameysay dalalka jaarka la ah, Ruushka ayaa xiligan ku faraxsan guusha Donald Trump oo ay u arkaan inuu yahay nin dhankooda u jeen jeera.

Hogaamiyayaasha Yurub ayaa docda kale ka tashanaya sidii ay uga jawaabi lahaayeen hadii Dowlada cusub ee Maraykanka wax ka bedasho heshiisyadii hore ee ganacsiga xorta ah, isla markaana canshuuro dheeraad ah kusoo rogaan badeecada laga keeno Yurub ee loo suuq geeyo Maraykanka, arrintaasi oo uu sheegay Trump inuu hirgelin doono si uu sare ugu qaado waxsoo saarka Shirkadaha laga leeyahay Maraykanka.

Waxay Madaxda Midowga Yurub qaarkood sida Haweenayda hogaamisa dalka Germany Angela Merkel ay horey uga hadashay hadalada cunsurinimada ah ee la xariira dadka laga badan yahay sida Muslimiinta oo uu horey u sheegay Trump inuu ka joojin doono in ay soogalaan dalka Maraykanka. Dalalka Yurub ayey kadis ku noqotay guusha Trump iyagoo horey u filayey inay doorashada ku guuleysato Hillary Clinton.