Topnews:Ciidamada Xasilinta ee Muqdisho oo Boqolaal Qof Xabsi dhigay & Howlgal Qorsheysan oo…

0
216

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada xasilinta Muqdisho ay howlgal oo socday muddo 10 saacadoo ah ka sameeyeen degaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo bilowday xalay saqdii dhex kadib ayaa hakiyay dhammaan isu socodkii, ganacsigii iyo waxbarashadii degaanka, waxaana guri guri loo baaray degaankaasi, iyadoo lagu soo qabqabtay in ka badan boqol qof oo dhalinyaro u badan.

Ciidamada qaaday howgalka degaanka Weydow ayaa isugu jiray Boolis, Milateri iyo Nabdsugid, wuxuuna soo gaaray maanta barqadii. Dhaliyaro fara badan oo lagu qabqabtay howgalkaas la isugu geeyay goobo lagu baarayo oo lagu kala saarayo.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in howgalkaas baaritaanka ee ciidamada xasilinta ay saameyn balaaran ku yeesheen isku socodka dadka iyo Ganacsiga degaanka Weydow, waxyna arrintan ka danbeysan qaraxyo is xigay oo degaankaasi lagula eegtay Ciidamada Dowlada.