Taliyihii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan Oo Gaaray Baladweyne

0
174

Baladweyn:Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, waxaa maanta gaaray taliyaha Ciidanka Milateriga Gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gureey oo muddoyinkii dambe ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

Col, Tawane Axmed Gureey ayaa ka dagay Garoonka Beladweyne, iyadoo aan la shaacin sababta ka dambeysa siideesmadiisa, xilli xariga loo geystay uu ka dambeeyay arrin ku aadan dil Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Dowladda Soomaaliya loo geystay Magaalada Beladweyne.

Col Tawane waxaa la sheegay inuu Beladweyne ku sugan yahay, dhawaana uu qorsheynayo inuu xilka iska casilo.

Tawane, ayaa sheegay inuu la shirayo xubno ka tirsan eheladiisa oo uu kala hadlayo arinta ku aadan inuu iscasilo.

Muddo ku dhaw 20-cisho ayuu ku xirnaa xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo loogu haystay arimo la xiriira dil ka dhacay Beladweyne.

cornel gurey.

Idale news Online.