Taliyaha Booliska Gobolka Bay Oo Mar kale ka Hadlay Amniga Magaalada Baydhabo

0
233

Baydhabo[INO]-Kadib markii ay soo kordheen Dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ,ayaa Taliska Booliska Gobolka waxa uu ka hadlay waxa ay uga hortagi la’yihiin Dilalkaasi.

Mahad

Taliyaha Booliska Bay Mahad C/raxmaan oo la hadlay Mustaqbal waxa uu sheegay in Shacabka ay hortaagan yihiin in wax laga qabto Amaanka, kuwaasi oo uu sheegay inay ka dama yimaadaan Maxaabiista.

Marka aan qabano qof Shabaab ah, waxaan ka dama imaanaya Dadka Shacabka ah iyaga oo leh qofkaan wax dambi ah malaha, marka waa inay nala shaqeeyaan Shacabka” ayuu yiri Taliyaha.

Ugu Dambeyntii Hadalkaan waxa uu imaanayaa iyadoo habeen ka hor Magaalada Baydhabo  lagu dilay Nin caan ka ah Magaaladaasi

Idale News Online, Xafiiska baydhabo