Tacsi: Maamoow Sheikh Aadan oo ahaa rug cadaa ciidanka Booliiska ka tirsan oo Baydhabo geeriyooday

0
169

Ilaahey janadii fardowsa aheyd ha ka waraabiyee, waxaa magaalada Baydhabo ku geeriyooday Maamow Sheekh Eedin oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka howl gali jiray dugsiga Sare ee Booliiska Xamar (Scuola Poliza) oo haatan loo baxshey akadeemiyada Jeneraal Kaahiya ka hor intii aysan burburin xukuumadii Madaxweyne Marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Maamow oo da’diisu aheyd 86 sano ayaa ku dhashey magaalada taariikhiga ee Tiyeegloow ee gobolka Bakool oo  mar xarun u aheyd gumeysihii Taliyaaniga ee ka arrimin jirin Koonfur Soomaaliya, marxuumka ayaa noloshiisa intiisa badneyd ka tirsanaa ciidanka booliiska isagaa lagu xasuusto dabeecad soo jiidasho leh, aad shaqo badan iyo waayo aragnimo ku aadan halgankii xuriyada iyo tan ciidamada guud ee dalka.

Maamulka iyo Shaqaalaha Idale News Online iyo Dhamaan shacabka Reer Iskoola Boliisiya waxay tacsi tiirsaanyo leh u diryaayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka tagey marxuun Maamoow Sheekh Eedin, waxay si gaar ah tacsi ugu dirayaan Aadan Maamow Sheekh, Khadiijo Maamow Sheekh, C/qaadir Maamow Sheekh iyo Isaaq Maadeey iyo ehelada iyo asxaabta kale ee uu marxuumka ka tagey, waxaya Ilaahey uga baryayaan inuu Janadii fardowsa aheyd ka waraabiyo, ehaladii iyo dadkii kale uu ka tageyna samir iyo Imaan Ilaahey ka siiyo.

Ina Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

tacsi

Idale News Online