Suuriya:QM oo sheegtay in gargaar la gaarsiin waayay dadku ku xayiran goobaha ay ka socdaan dagaalada …..

0
153

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegeysa in sida kaliya ee ee gargaar lagu gaarsiin karo dhulka uu mucaaradku gacanta ku hayo ee bariga Quuda ee Dalka

Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegeysa in sida kaliya ee ee gargaar lagu gaarsiin karo dhulka uu mucaaradku gacanta ku hayo ee bariga Quuda ee Dalka Suuriya  ay tahay xabbad joojintii muddada bisha ahayd ee uu dalbaday golaha ammaanku.

Waxaa Qaramada Midoobey ay sheegtay in inkastoo Ruusku uu ku dhawaaqay xabbad joojin muddo shan saacadood ah maalin kasta laga billaabo shalay oo salaasa ahayd, haddana ay u suurtageli weyday in gargaar la gaadhsiiyo dadka tabaaleysan.

QM waxa ay sidoo kale xusatay in dhamaan dhinacyada oo dhami ay tahay in ay u hoggaansamaan xabad joojinta ay dalbadeen golaha ammaanka ee QM , taasina ay ku xirantahay nolasha kumanaan rayid ah.

Guul daradaasi ku timid xabbad joojintii uu Ruushka ku dhawaaqay ayaa dowladda Suuriya waxa ay ku eedeysay mucaaradkeeda iyo kooxo argagixiso oo ku sugan bariga Quuta.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Suuriya Feysal Mikdaad ayaa sheegay in xabbad joojintaasi dhanka bani’aadanimada loogu talagalay in lagu badbaadiyo nolasha dadka bariga Quuta waxa uuna mucaaradka ku eedeeyay in ay hannaankaasi carqaladeeyeen.

Maalinimadii Shalay ayay ahayd maalintii ugu horreysay ee xabbad joojinta uu Ruushka ku dhawaaqay ee shanta saacadood maalin kastaa ayaa dagaallo iyo duqeymo dhacay waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ah.

Mucaaradka iyo dowladda Suuriya midba midka kale ayuu ku eedeeyay jebinta heshiiskaas balse Ruushka ayaa mucaaradka Suuriya ku eedeeyay in ay hoobiyeyaal ku duqeeyeen aag loo asteeyay in dadka gargaarka ay ka helaan.

Balse Dowladda  Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeynaya laba wajiileyn oo ku aadan in uu shidaya dabka ka huraya Suuriya isla markaana uu iska dhigayo qofkii colaaddaasi dhex dhexaadinayay.

Suuriya  ay tahay xabbad joojintii muddada bisha ahayd ee uu dalbaday golaha ammaanku.